
Balcad (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Jimcihii maanta uu qarax culus uu ka dhacay Wadada xiriirisa Magaaloyinka Balcad iyo Jawhar.
Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani ay ku dhaawacmeen dhowr askari.
Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daad guraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.
Ilaa iyo hadda wax faah-faahin ah kama aysan bixinin maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada qaraxa khasaaraha geystay ee lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





