
Jigjiga (Halqaran.com) – Wararka ay Halqaran.com ka helayso magaalada Jigjiga ee gobolka Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya, in uu halkaasi ku geeriyooday Allaha u naxariistee, Fanaanka iyo Mulaxamistihaha caanka ahaa Daa’uud Cali Masxaf.
Allaha u naxariisto Daa’uud Cali Masxaf waxaa geeridiisa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da u xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaalida.
Daa’uud waxaa uu caan ku ahaa laxanka iyo Music-ga, waxa uu ku lamaaanna inta badan hobollada Waaberi ee qaranka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





