Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay gobolka Sanaag & Wararkii ugu dambeeyay

Sanaag (Halqaran.com) – Wararka naga soo garaya deegaanka Shidan gaar ahaan agagaarka Buuraha Calamadoow oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya halkaasi uu ka dhacay dagaal Khasaaro Geeystey.

Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo oo hubeysan, kuwaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen inay isku heysteen Goob Macdanta noocyadeeda kala duwan laga qodo, iyada oo ay ku heshiin waayeen.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Dagaalkaasi uu ku dhintey hal Ruux, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ah maleeshiyaadka dagaallamay.

Maleeshiyaadkaasi hubeysan ayaa dhowr jeer oo kale deegaankaasi ku dagaalamay, iyaga oo ku heshiin waayey macdanta ay halkaasi ka wada gurtaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Yubbe ay ku baxeen maleeshiyaadka dagaallamay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...