Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Fayruska Shiinaha ka dillaacay oo dhowr magaalo loo go’doomiyey

China (Halqaran.com) – Xukuumadda Beijing ayaa go’doomisay dhowr magaallo oo dalka Shiinaha ku yaalla Jimcada Maanta ah, si ay u xakamayeso Fayruska dhaliyay xanuunka aan la qoonin ee ka dillaacay dalkaasi.

Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale joojisay safarrada tirada badan ee dadka iyo xaflado dhaqameedka fasaxa ee bishan oo kale Beijing lagu qabto, halkaas oo dad weyne farabadan ay isugu soo ururaan.

Ugu yaraan sideed magaalo oo dalkaas ah oo ay ku noolyihiin 25 million oo qof ayaa la go’doomiyay.

Magaalada Wuhan, oo ah magaaladii uu xanuunka ka billowday, iyo magaalooyinka Wohan, Ezhou, Huanggang, Chibi, Qianjiang, Zhijiang, Jingmen, ayaan cidna loo ogoleyn inay gasho am aka baxdo.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee noocan ah oo dowladda Shiinaha ay ku go’doomiso dhowr magaalo oo dalkaasi ah tan iyo intii uu soo billowday fayruska dillaacay, kaas oo hadda ku fidaya dalal kale.

Fayruska ayaa dilay ugu yaraan 24 qof ,sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee Gobolka Hubei, iyadoo la xaqiijiyay in 550 qof, oo ay ku jiraan 15 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay la il daran yihiin xanuunkaasi.

Xigasho – VOA

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...