Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Jubbada hoose

J/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya, in duqeyn diyaaradeed oo khasaaro geystay ay ka dhacday nawaaxiga degmadaasi.

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka ayaa fuliyay duqeynta, waxaana la sheegay in duqeynta uu ku dhintay Nabadoon Caanka ahaa degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab oo maamula degmada Jamaame kana hadlay dhankooda duqeynta ayaa waxaa ay sheegeen in lagu dilay Suldaanka mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed u qaabilsanaa Jubbooyinka, kaas oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Maxamed Cabaas.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo inta badan iska kaashada duqeymaha ayaan weli ka hadlin.

Duqeyntan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli xalay duqeyn lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...