Monday, June 15, 2026
25.8 C
Mogadishu

War ka soo baxay guddigii loo xil saaray xallinta Khilaafka dowladaha Somaliya iyo Kenya

Djibouti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir la yeeshay waftiga Djibouti ee IGAD ay u xil saartey xal-u-helidda khilaafka diblomaasiyaddeed ee dhex yaalla Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ayaa madaxweynaha u gudbiyey warbixin ka warrameysa xaaladda ammaanka ee ka jirta soohdinta u dhaxeysa dalalka Soomaalia iyo Kenya, oo ay booqdeen.

Danjiraha Jabuuti ee Kenya Yaasiin Cilmi Buux oo Guddiga Hogaaminaya ayaa sheegay inay tageen Goobaha Xaduudaha ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay u qiimeeyaan xaalada meesha kajirta.

Waxaa uu sheegay inay la kulmeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Xaduudka ku sugan, kuwa Kenya iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM si ay u xaqiijiyaan cabashada dowladda Soomaaliya ee ah in Dowladda Kenya ay maleeshiyaad hubeyneyso si ay u weeraraan degmada Beledxaawo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay yimaadeen madaxda Dowladda, isla markaana ay kala hadleen arrimaha xalinta khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo gaaray in Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay xiriirka u jarto dowladda Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...