Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo ka dhacay Galgaduud

Galgaduud (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahno dheeraad ah ka soo baxaya dagaal saaka ciidamada DF Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Miirdugul oo Koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan Guutada 15aad qeynta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka kadib ay Al-Shabaab, isaga baxeen deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaal culus saaka ku dhexmaray deegaanka Miirdugul ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana hadda gacanta ku haya deegaankaasi ciidamada DF Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa sababay khasaaro kala duwan oo soo gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka lagu dagaallamay. Waxaana hadda deggan xaaladda deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ka wadaan duleedka deegaanka Miiradugul ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...