Tuesday, June 23, 2026
25.2 C
Mogadishu

Dowladda Somaliya oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab lagu dilay howlgal laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal lagu soo qabtay qaraxyo sidoo kale ay soo saareen qaraxyo ay Al-Shabaab ku aaseen Tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire  ee gobolka shabellada hoose.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay, in lagu khaarijiyay 13 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, intii ciidamada ay ku guda jireen soo saarista qaraxyada Al-Shabaab ay aaseen.

Ma uusan sheegin taliyaha Khasaaraha Ciidamada Xoogga dalka ka soo gaaray hawlgalkaasi, balse waxa uu xusay kaliya in Al-Shabaab ay waxyeelo gaarsiiyeen.

Muddooyinkii dambe, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo miino baaris ah waxa ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...