Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in saacadihii la soo dhaafay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.
Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, waxaana la sheegay in uu salka ku haayo is qabqabsi la xiriira dhanka dhulalka, islamarkaana dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay.
Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkaasi, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka uu si iskiis ah u istaaga, islamarkaana weli labada maleeshiyo beeleed ay is-hor-fadhiyaan.
Wararka ayaa sheegaya in saaka deegaanka lagu dagaallamay ay ka jirtay xiisad dagaal oo u dhaxeysay labadaasi beelood.
Ugu damebyn, Waxaa hadda socda abaabul ay wadan odayaasha dhaqanka, kuwaasi oo kala dhexgalay beelaha halkaasi ku dagaallamay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





