Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday mowqifkiisa ku aadan heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay, in heshiiska aan la cayimin xilliga ay doorashu billaabaneyso, islamarkaana ka Xisbi ahaan ay dalbanayaan in la caddeeyo taariikhda ay doorashada billaabaneyso.
Waxaa kale lagu sheegay war-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir, in dalka uu weli taagan yahay meeshii uu joogay Afar sano ka hor, islamarkaana ay guul-dareystatay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






