Kismaayo (Halqaran.com) – 24-kii saac ugu dambeysay ayaa waxaa dagaalkaan ku dhintay toddobo iyo toban qof, oo maleeshiyada labada beelood ah.
Toddobaadkan oo keliya ayaa waxaa dagaalka ku dhintay in ka badan soddon qof, oo dadka dagaalka lagu dilay ay ku jiraan dumar, carruur iyo ciroolaba.
Toddobadkan ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee dagaalka uu ka soo gaaro dad barimageedada ah.
Inta badan dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedyada duleedka Kismaayo ayaa waxaa dhaawacyadooda la keenay goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay kala dhexgalay labada beelood, ee toddobaadyadii la soo dhaafay ku dagaalamayay duleedka Magaalada Kismaayo.
Si kastaba, dagaalkan ayaa waxa uu xoogiisa beelaha dagaallamay ku dhex maray Deegaanka Shabeellow, oo ku yaala inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Deegaanka Cabdalla Biroole.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






