
Galmudug (Halqaran.com) – Guddiga ka hortagga faafitaanka Fayraska Corona (COVID-19) ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dad laga shakiyey, balse la karantiiley ay ku wareejiyeen Maamulka Galmudug.
Dadkaan oo gaaraya 7 Ruux ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay kasoo gudbeen dhinaca Somaliland, kuwaas oo ay ku karantiileen Magaalada Garoowe, sidoo kalena ay sheegeen inay haayaan Saddex ruux oo la sugayo inay dhammeystaan mudada huuriska oo dhan 14 Maalmood.
Guddiga ayaa horey ugu dhawaaqey in deegaannada Puntland aan weli laga helin kiisas la xiriira Coronavirus, si la mid ah asyan weli jirin wax kiis cusub ah oo la diiwaangaliyay.
Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayaa lagu dhiirigaliyay iney u hoggaan samaan awaamiirta xukuumadda ee lagu doonayo in looga hortago COVID 19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





