Jowhar (Halqaran.com) – Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya, in caawa halkaasi lagu dilay Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle.
Allaha u naxariisto, wasiirka beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka Hirshabelle, Xildhibaan Cabdulqaadir Karaani ayaa caawa rag hubeysan ku toogteen magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya, in rag hubeysan ay rasaas ku fureen wasiirka xilli uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeen hooygiisa oo ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.
Kooxaha dilka geystay ayaa lagu soo warramayaa in dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.
Marxuum Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Karaani ayaa xilka wasiirnimo loo magacaabay 11-kii bishaan Agoosto, isagoona lagu baddelay xildhibaan Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka wasiirka, balse waxaa dilalka noocaan oo kale ah looga bartay Ururka Al-Shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





