Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo ballan-qaad fiican u sameysay dowlad goboleedyada dalka

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Gargaarka oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ujeedka safarkoodi Garoowe uu yahay sidii halkaasi ay u gaarsiin lahaayeen qalab loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland.

“Waxaan magaalada Garoowe geyneynaa qalab xafiiseed loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland, sidoo kale waxaan geeyneynaa dhammaan dowlad goboleedyada oo ay ugu talagashey dowladda Federaalka Soomaaliya”, ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid.

Marka laga soo tago magaalada Garoowe oo maanta la geeyay qalabkaasi,s doo kale waxaa la filayaa in wasaaradda gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya ay deegaanada kale ee dowlad goboleedyada ay gaarsiiso qalabka noocaan ah, si loogu isticmaalo adeegyada ka digista halis wadareedyada.

Qalabkan ayaa ahmiyad gaar ah leh adeegsigiisa, wuxuuna sahlaya in si fudud loo ogaado hadba xaaladsaha isbedelka cimilada iyo dabeylaha iyo duufaanada dhaca inta badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...