Thursday, June 18, 2026
27.2 C
Mogadishu

UPDATE: Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shaqo joojin lagu sameeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye, isaga oo si kumeel gaar ah taliye ugu magacaabay Xasbiga dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed ayaa sheegay in Shaqa joojinta ay timid, kadib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga oo aheyd dagaal dhex-maray Ciidamada ilaalada iyo qaar kamid ah Maxaabiista oo la sheegay inuu hub gacanta u galay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in si kumeel gaar ah taliyaha Xasbiga Dhexe ee Xamar loogu Magacaabay Sareeyo Guuto daahir Cabdulle raage, isla markaana uu socdo baaritaanka dagaalkii Xabsiga Dhexe.

Waxay aheyd 11-kii bishaan Agoosto xilli galab ah, waxaa dagaal uu ka dhex bilaawday Gudaha Xasbiga Dhexe, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu sheegay in qaar kamid ah Maxaabiista oo hub gacanta u galay Ciidamada ilaalada Xabsiga ay dagaalameen.

Dagaalkii ka dhex dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa waxaa ku geeriyoodeen 15 Ruux oo isugu jiray Ciidamada iyo Maxaabiista.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...