Monday, June 1, 2026
26.3 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Gobolka Sanaag oo go’aan lama filaan ah ka qaatay maamulka Puntland + Xiisad cusub

Sanaag (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in deegaano ka mid ah gobolkaasi looga dhawaaqay go’aanno looga soo horjeedo xil ka qaadistii maanta ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland Cabdikariin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed.

Odayaasha iyo qeybaha kala duwan gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan ayaa sheegay in taageersan yihiin Gudoomiyaha Waxaana ay cod dheer ku sheegeen shacabku in ay taageersan yihiin Dhoobo isla markaasna ay go’aano kasoo saari doonaan kasii mid ahaanshaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayay  sheegeen in uusan wixii haatan ka dambeeya ku xisaabtamin gobolka Sanaag, kana tashan doonaan xukuumaddiisa.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa dhankiisa sheegay in uu dib ugu laaban doono gobolka Sanaag, islamarkaana uu bulshada la yeelan doono kulamo looga hadlaayo weerar uu sheegay in lagu soo qaaday baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...