Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Shariif Sh. Axmed oo ka digay qatarta weyn ee ku soo socota dhismaha ciidamada qalabka sida, Sabab!

Madxweynihiii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sh. Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay qatar weyn ka soo socoto dhismaha Ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in Nabadsugida ay bilowday inay ciidamo qorato.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in uu shaki badan ka qabo qaabka loo qoraayo Ciidankaan cusub ee nabad suggida ah oo qaarkood dalka dibadiisa tababar loogu qaaday si gaar ah labo dal oo kaliyah.

Wuxuu kaloo xusay, in aysan aqbaleyn in Ciidamo gaar ah loo sameysto in dad gaar ah lagu dhibaateeyo.

“Khatar weyn ayaa ka soo socota dhismaha ciidamada qalabka sida, ciidan habeen la qoraayo oo nabadsugida qoreyso oo labo dowladood kaliya loo dirayo aniga ma fahmin, ciidanka nabadsugida qoreyso, oo laga qarinayo taliyeyaasha ciidankaas ma waxaa loo sameynayaa inay amniga sugana, mise inay qabtaan howlo kuwo ka horeeyay ku fashilmeen, ciidan gaar ah oo loo sameysanayo in dad lagu dhibaateeyo annaga ma aqbaleyno”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa yimid xilli Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar, oo aan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...