Doolow (Halqaran.com) – Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Khamiistii Maanta gaareen degmada Dooloow ee gobolka Gedo, iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo saraakiil ciidan, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa u gudbay dhinaca degmada BeledXaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo halkaasi u tegaya qiimeynta khasaaraha gaaray shacabka, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Wafdigan ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta Maamulka degmada BeledXaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqan doona saldhigyada Ciidamada DF Soomaaliya ee degmadaasi BeledXaawo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





