Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

VIDEO: 5 qof oo maanta u geeriyootay Soomaaliya Cudurka Coronavirus & Koror ku yimid dadka uu…

Muqdisho (Halqaran.com) –  Sida ay maanta xaqiijiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay geeriyooday 5 ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19, waxaana soo kordhay 46 xaaladood oo cusub.

Shan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland, 41-ka kale waxay ku suganyihiin gobalka Banaadir. 33 kamid ah waa rag, 13-ka kalana waa haween.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa caddeysay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 436 oo ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaareen 23 oo qofood.

Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale, ayaa sidoo kale xaqiijisay in lala soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo xalay dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...