Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo xilalkii ka qaaday labo guddoomiye ku-xigeen oo ka tirsan gobolka Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...