Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilalkii ka qaaday laba Taliye Ku xigeen oo booliska Puntland, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa.
Qoraalka xil ka qaadista ee Xafiiska Madaxweynaha Puntland laga soo saaray ayaa u qornaa sidan;
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Puntland.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland.
- Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






