Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fawziya Abikar Nur ayaa Isniintii maanta kulan toos ah oo qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto iyo madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID).
Wasiirka ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.
Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19.
Soomaaliya illaa hadda waxaa soo gaaray taageero kala duwan oo dhanka qalabka iyo dawooyin, balse waxaa muuqata wali inau jirto baahi dhanka agabka iyo daawooyinka oo dalka haysato.
Ugu dambeyn, Isbitaalka Martiini oo ah goobta loo asteeyay Karantiilka dadka qaba Coronavirus, ayaa waxaa ka jirta dayac badan oo ku aadan in Bukaanada aysan helin daryeelkii loo baahnaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






