25.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 10, 2022

UPDATE: Xukuumadda Somaliya oo war deg-deg ah ka soo saartay Odayaashii u hoggaansamay amarka Al-Shabaab!

Odayaal dhaqameedka u hoggaansamay Amar Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay odayaashii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya , kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay u hoggaansamay amar kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab uguna tagay goobaha ay ka maamulaan dalka.

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya waxay caddaynaysaa odayaasha ay soo bandhigayeen kooxda Alshabaab intooda badan in aysan aheyn odayaal rasmi ah, ayna yihiin kuwa ay been abuureen una galiyeen koofiyado iyo cimmaamado, isla markaasna ay qasab uga hadal siiyeen”.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa digniin loogu diray dadka u hoggaansama amarada kasoo baxa Al-Shabaab, “Dowladdu, waxay uga digaysaa qofkasta oo u hoggaansama hanjabaadaha iyo marin-habaabinta kooxda Alshabaab, waxeyna xasuusinaysaa shacabka Soomaliyeed in aan bad-qab lagu helayn u nuglaanshaha hanjabadaha kooxdaas argagixisada ah”.

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka kasoo baxay ku sheegtay in la wiiqay awooda Al-Shabaab, “Waxaana xusid mudan, in kooxda si xoogleh loo wiiqay awoodooda taas oo ay cadayn utahay in ay maalmihii danbe aad u korortay tirada ka soogoosanaysa isla markaana laga saaray goobihii ay ku xooganayeen,waxaana si dar dar leh isku soo dhiibayay saraakiisha iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraaka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay cadaadis daran oo ay sheegtay in Al-Shabaab ay ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan, “Dowladda canbaareynaysaa bahdilka, jajuubka iyo xad-gudubka ay kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ku hayaan dadka Soomaaliyeed,ee ku nool tuulooyinka fog fog iyo meelaha yar yar ay ka taliyaan oo ay beryahaan soo bandigayeen iyagoo jirdilaya oo ku qasbaya in ay hadlaan,taasoo ah dhaqan maafiyo, gef-waynna ku ah Diinta iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka caawa kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay sidaan: “Uga danbeyn, dowladda Soomaaliya waxay tillaabo sharci ah ka qaadeysaa cid-kasta oo xiriir dhex maro kooxaha argagixisada ee caadaysatay dhibaataynta shacabka”.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...

Somalia backs China over US, reaffirms its supports for one-China policy

Somali government has expressed its support for China’s sovereignty,...

Over 800 Al-Shabab’s Militants Killed Including 24 Top Leaders

More than 800 militants of the terrorist al-Shabab group...
spot_img

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday...

Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay R/Wasaare Ku xigeenka cusub ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar...

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) - Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hubkan...