Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Maxaad ka Ogtahay Sababta ay Puntland Xabsiga u dhigtay mas’uul ka tirsan Somaliland?!

Garoowe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya, in ciidamada dowlad goboleedka Puntland ay maanta xabsiga dhigeen guddoomiye ku-xigeenka Somaliland u qaabilsan degmadaasi.

Cabdi-raxmaan Axmed Muuse (Suldaan Suus) ayaa ciidamada Puntland waxay xireen kadib markii uu ka dhago adeygay baaqyo kala duwan oo maamulkooda ugu soo jeediyen in uu ku biiro, isla markaana iska casilo xilka uu Somaliland u hayo, sidii ay hore ugu biireen maamulka Puntland Guddoomiyihii degmadaasi.

Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ku howlaneed qorsho ay Mas’uuliyiinta deegaannada ay isku hayaan Somaliland kula soo wareegayaan, taasi oo muddooyinkii dambe sare u qaaday madaxda ka soo goosatay dhanka Somaliland.

Si kastaba, guddoomiyihii magaalada Badhan iyo Taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan, ayaa hore ugu biirey dowlad goboleedka Puntland, kuwaasoo kordhinayey tirada madaxda ka soo goosatay Somalilad.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...