Monday, June 22, 2026
25.5 C
Mogadishu

UPDATE: Xilliga ay billaabaneyso Doorashada dalka oo la shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa isku raacay xilliga rasmiga ah oo ay billaaban doonto qorshaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan doorashada labada Aqal ee BF Soomaaliya.

Madaxda dowlad goboleeyada iyo Madaxweyne Farmaajo qodobbada ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah qorshaha doorashooyinka dalka, kaasi oo bilaabanaya 1-da November 2020-ka.

Intaasi ka hor ayaa waxa uu qorshuhu yahay in la magacaabo guddiga doorashooyinka ee maamuli doona doorashada.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah qodobbada lagu heshiiyay, in labo magaalo oo ka mid ah Caasimadaha gobollada dowlad goboleed kasta ay ka dhacdo doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo xiray Shirkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Qaranka, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 15 qodob.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...