Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

UPDATE: Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon oo Xabsiga laga sii daayay +(SAWIRRO)

Hargeya (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee  Somaliland ayaa sheegaya, in Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon uu maanta dib u helay xorriyadiisa, kaddib markii uu muddo hal sano ka badan uu xirnaa

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wariye Coldoon, markii xabsiga laga sii daayay, ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah ururada mucaaradka Somaliland.

Somaliland ayaa horay xukun ugu riday Saxafi Coldoon, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedda Qaranimada Somaliland.

Ugu dambeyn, bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Hay’addaha Xuquuqul Aadanaha ayaa ka codsaday in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu Cafis u fidiyo Wariye Coldoon.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...