Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

UPDATE: Tirada dadka u geeriyoonaya feyraska Korona ee Shiinaha oo korodhay

China (Halqaran.com) –  Waxaa aad u sii kordhaya maalin walba dadka u geeriyoonaya feyraska Korona ee dalka Shiinaha oo haatan gaartay 106 qof iyo 4515 kale oo dhul yaal u ah.

Hay’adda Caafumaadka Dunida WHO ayaa sheegtay in halista feyraska ay gaartay heer aad u sarreeya.

Faafitaanka feyraska Karona ayaa sabab u noqday in malaayiin qof oo xilliyadan oo kale socdaallo ku tagi lahaa dalal badan ay hakiyeen safarradooda sidoo kalena arrintan ayaa gilgishay suuqa caalamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Shiinaha u yaboohay in ay ka gacansiinayaan la dagaallanka feyraskan.

Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha oo booqday magalaada Wuhan ayaa bogaadiyay kooxaha ku howlan gargaarka caafimaad isaga oo ballanqaaday in maalmaha soo aaddan uu ku soo biirin doono 2500 oo kale oo ah xirfadlayaal caafimaad.

Wadamada kala ah, Mareykanka, Faransiiska, Jabaan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa magaalada Wuhan ka daad gureynaya dadka ka soo jeeda dalalkooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...