Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Xildhibaan Su’aallo adag ka keenay baxsashadii Wasiirkii Amniga Jubbaland ee Janan

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Saddex Su’aalood ka keeney Warka kasoo yeeray Booliska Soomaaliya ee ahaa in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rahiid Xasan Cabdi Nuur (janan)

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in markii hore dowladda soo afduubatey Wasiirka, sidoo kalena aan la ogeyn halka uu ku xirnaa, waxaana uu shaki geliyey in uu nool yahay Cabdi Rahiid Janan.

Halka hoose ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

  1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?
  2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo
    Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?
  3. Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...