Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax labaad oo maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin)
Qaraxan ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari Prado ahaa oo uu la socday marxuumka, waxaana uu qaraxu dhacay, xilli uu gaariga maraayay nawaaxiga Isgoyska KM4.
Dad goobjoogayaal ah warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu burbur xoogan soo gaarsiiyay gaariga, goobtana laga qaaday Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud oo garaab ah, daqiiqado ka dibna uu u geeriyooday dhaawacii qaraxaasi ka soo gaaray.
Ciidamada Booliska oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa xiray wadada, waxayna ka bilaabeen baaritaan qaraxaasi ku aadan.
Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) ayaa ahaa Xoghayihii Maamulka Gobolka Banaadir, xilliyadii ay hoggaaminayeen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Mid kale oo ka horreeyay qaraxan ayaa maanta gaari ciidan waxaa lagula beegsaday Carwadii hore ee Taleex ee Degmada Hodan, waxaana ku dhaawacmay laba qof.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com