Hargeysa (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Jabhada Dulmidiid Kornayl Caarre ayaa goor-dhow si adag uga Jawaabay hadalkii kasoo yeedhay Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.
Taliye Taani, ayaa maanta sheegay in ay Wacnayd in la toogto Kornayl Caarre, isagoo ku tilmaamay inuu yahay Dambiile Qaran, Islamarkaana loo loo heysto dilka 10 Qof oo isagu ka danbeeyay.
Korneel Caarre ayaa Taliyaha Ciidamada Somaliland ku eedeeyay inuu gaystay isagu dhibaatooyin badan.
”Hadii Gacan ku dhiigle la sheegayo waa nuux Ismaaciil Taani, Waa ninkii Beelaha Koonfurta Gobolka Sool Rasaasta isugu dhiibay, waa ninka Ciidamadii Somaliland Burburiyey ee Qabaailka ka dhigay”, Ayuu yidhi Kornayl Caare.
Waxaa wax laga waydiiyey Eedaynta Nuux Taani ee ahayd inuu Caarre 4-Qof dilay, Wuxuuna is waydiiyey Sida isagoo dambiile ahaa Mar kale loo magacaabay ? Wuxuuna sheegay in wax dambi ah lagu waayey oo Maxkamad ay arintaasi go’aan ka gaadhay.
Dhinaca kale, Kornayl Caare ayaa sheegay in Wadahadalkii u socday Xukuumadda Somaliland uu Burburayo, Islamarkaana ay hada galeen diyaar garoow Dagaal, kadib hadalka kasoo yeedhay Nuux Taani.
Ugu dambeyn, hadalka ayaa yimid kadib Markii Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland uu sheegay inay Haboontahay in la Qisaaso Kornayl Caarre.
https://youtu.be/CmlPTIEiwHY
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com






