Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

UPDATE: Sarkaal laba xiddigle ah oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Villa Somaliya oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa maanta Muqdisho gudaheeda waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada illaalada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Sarkaalkaan oo darajadiisa ay aheyd labada Xidigle ka tirsan Ciidamada Koofi Casta ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa dilkiisa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sanca ee Degmada Yaaqshiid.

Koox Bistoolado wadatay oo la sheegay inay soo dabagaleen ayaa laba Xidigle Cabdi Deeq waxa ay ku dhufteen rasaas ay madaxa kala dhaceen, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta.

Sarkaalka Madaxtooyadda ka tirsan ayaa durba meesha ku geeriyooday, waxaana daqiiqado kadib goobtaasi gaaray Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya.

Amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaanan si sahal ah lagu qaban marka la eego falalka ay fuliyaan iyo sida ay ku baxsadaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay kaliya caasimadda Muqdisho waxa ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid uu yahay Sarkaalkaasi, halka midka kalena uu yahay Askari ka tirsanaay Maamulka Degmada Hawlwadaag.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...