Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya, in caawa qarax miino ah uu ka dhacay waddada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Qaraxani ayaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida ay Halqaran News u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Qaraxaani oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi lala eegtay sarkaal lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyadoo sarkaalka iyo ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Ciidamada dowladda oo durba gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa xiray waddooyinka soo galka, baaritaanna ka sameeyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





