Norway (Halqaran.com) – Tiro lagu qiyaasay 1600 ruux oo Somali ah oo horey sharciga deganaanshaha dalka Norway looga xayiray, ayaa dhawaan loo oggolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan.
War ka soo baxay wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay in dadlkaasi oo badankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu oggolaaday siyaabo kala duwan oo la xiriirta xaaladaha bani’aadannimo.
Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sanadihii 2012 illaa 2016.
Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay Somali badan oo dalka Norway ku sugan, kuwaasi oo muddo sugaayay inay helaan sharci.
Dalka Norway ayaa ka mid waddama sida wayn u adkeeyay bixinta Sharciga dalkaasi, waxaana sidoo kale jiray in Soomaali kala duwan laga qaatay sharciga dalkaasi oo lagala noqday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






