Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo qalab caafimaad oo hor leh ka guddoontay dowladda Turkiga

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka caafimaadka, iyo wasiiru dowladaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya ka guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya oo ah qaybtii labaad waxaa siday laba diyaaradood, waxaana kamid ah sariiraha loo adeegsado qolalka xaaladaha deg-degga ah iyo Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Dowladda  oo dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19 ayaa qalabkaan u adeegsaneysa dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka Feyruska Karoona.

Wasiirka caafimaadka iyo wasiiru dowladaha arrimaha dibadda ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Dowladda Turkiga oo safka hore uga jirta dowladaha caawiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa sidaan oo kale waxa ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...