Sunday, May 31, 2026
26.4 C
Mogadishu

Wariyeyaal ka tirsan Idaacadda Shabelle oo maanta lagu jir dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Labo ka mid ah suxufiyiinta Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa barqadii Isniinta maanta lagu jir dilay afaafka hore ee xarunta Degmada Waaberi, xilli halkaasi ay doonayeen Saxaafadda inay kula hadlaan Haweenka Nadaafadda Degmada Waaberi oo ka cabanaayay raashin laga musuq-maasuqay.

Labada Suxufi ee la jir dilay ayaa kala ah Safa Osmaan oo ah Wariye ka tirsan Shabelle iyo Cameraman la socday, waxaana jir dilkaasi ku kacay Guddoomiye Waaxeedyo ka tirsan Maamulka Degmada Waaberi.

Guddoomiye Waaxeedka October oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Rooble, ayaa la sheegay inuu madaxa dhagax kaga dhuftay Gabadha Wariyaha ah.

Sidoo kale Wiilkii Cameromanka ah ayaa waxaa isugu tagay oo garaacay laba ruux oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi oo ah Guddoomiye Waaxeedka laanta Jabuuti iyo Guddoomiye Waaxeedka 26 June oo lagu magacaabo Cabdi Kariin Cali Wardheere.

Qalabkii ay ku shaqeynayeen Suxufiyiintaan ayaa waxaa ka qaatay raggii jirdilka u gaystay, waxaana halkaasi laga qaaday oo Isbitaal la geeyay Gabadha Saxafiyada ah ee madaxa dhagaxa looga dhuftay.

Si kastaba, arrintaan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Axaddii shalay Suxufiyiinta magaalada Muqdisho ay ka cabanayeen jirdil, xarig iyo handadaad ay ku kacaan madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo dhibaato u gaysta Suxufiyiinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...