Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya, in kooxo hubeysan ay caawa dil toogasho ah magaalada Muqdisho ugu geysteen nin ganacsade ah.
Wararka ayaa sheegaya, in dilkan uu ka dhacay wadada isgoyska Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Xaawo Cabdi, halkaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka gaysatay.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay, in uu ahaa ganacsade ka shaqeeya iibka baabuurta, waxaana magaciisa lagu sheegay, Cali Barqadle.
Ciidamada Booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan kooxihii dilka gaysatay.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay dilka ninkan ganacsatada ah, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





