Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Haweeney 113 sano jir ah oo ka bogsatay Cudurka Coronavirus

Spain (Halqaran.com) – Haweeney 113 sano jir ah oo ku nool gobolka Girona ee waqooyiga bari ee dalka Spain ayaa ka soo bogsatay Cudurka Coronavirus, kadib markii dhawaan laga helay.

Maria Branyas oo ah qofka ugu da’da weyn dalka Spain, ayuu Cudurkan haayay muddo dhowr toddobaad.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Spain ayaa sheegay in Maria ay tahay qofka ugu da’da weyn dalkaasi, islamarkaana ay tahay war farxad ah in ay Cudurka Covid-19 ka bogsooto.

Waxaa dalka Spain Cudurka Coronavirus haleelay 269,520 qof, waxaa u dhintay  26,920 ruux, halka ay ka bogsadeen 180,470 qof.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...