Muqdisho (Halqaran.com) – Tirada ciidamada AMISOM ee laga helay Cudurka Coronavirus ayaa la sheegay, inay korortay, sida lagu daabacay The EastAfrican oo soo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ilaa iyo 40 askari oo AMISOM ah ayaa la xaqiijiyay in laga helay Cudurka Covid-19, kuwaas oo u kala dhashay 30 kamid ah Ciidamada Uganda iyo 7 kamid ah Ciidamada Burundi oo labaduba kamid ah dalalka ay Ciidamada ugu badan ee ka joogaan gudaha Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa u sheegay The EastAfrican in tirada korortay ee Cudurka Covid-19 ee laga helay Ciidamada AMISOM ay keentay inay hakad galaan howlgallada AMISOM ee ka dhanka ahaa Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ee laga helay Cudurka Covid-19 ayaa waxaa ay hataan ku jiraan Xero karantiil oo ku taalla Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale degan yihiin Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Safiirrada Soomaaliya ee dalalka Caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





