Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Midowga Musharrxiinta Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la qabto shir deg-deg ah oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeedka ay soo saaraan Midowga Musharraxiinta ayaa waxa ay ku taageereen soo jeedintii dowld goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ahaa in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka qaybgalaan dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Sidoo kale, Midowga Musharraxiinta ayaa waxa ay sheegeen, in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waqtigii ka dhammaaday, sidaa daraadeed uu shirkan ka soo qeybgali karo oo kaliya isaga oo la mid ah musharraxiinta kale.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Midowga Musharraxiinta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





