Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo War cusub ka soo saaray Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2021 lagu qabto Magaalada Muqdisho, halka Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in lagu qabto Magaalada Garoowe.

Guddoomiye Xaashi ayaa sidoo kale ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi uu codsanayo inay goobjoog ka ahaadaan Ururada bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka si looga arrinsado badbaadada dalka heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay.

“Sida aad la socotaan waxaa dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha iyo kana Baarlamaanka Federaalka, iyada oo an hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadeed ayaan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda, dowlad Goboledyada & Gobolka Banaadir arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah” ayaa lagu yiri qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu taageerayo go’aan walbo oo dalka lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kaas oo ay soo saaraan Musharraxiinta xilka Madaxweynaha, dowlad Goboleedyada dalka, Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku soo beegmaya, xilli loo balansan yahay in markale la qabto shir u dhaxeeya Madaxda DF Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo uu xalay iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...