Friday, August 7, 2026
26.7 C
Mogadishu

UPDATE: Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta oo ku dhintay Xabsiga dhexe ee Xamar

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar naga soo gaaraya Xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa sheegaya, in galabta halkaasi ay ku dhinteen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Labada Askari geeridooda ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii mid ka mid Askarta uu ku dhacay Boosaneer ku dhex yaallo Xarunta Xabsiga, islamarkaana Askari kale oo meesha taagnaa uu damcay inuu soo badbaadiyo, balse isagiina uu kula dhintay Boosaneerka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay labada Askari ee dhintay in maydkooda laga soo saaray Boosaneerkii ay ku dhaceen.

Mid ka mid Askarta geeriyootay ayaa dhawaan wuxuu ka qalin jabiyay mid ka mid Jaamacadaha ku yaallo dalka, balse ugu dambeyn maanta isaga ayaa dhintay.

Ilaa iyo hadda taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya wax faah-faahin kama aysan bixin labadan Askari ee Talaadada maanta ku geeriyootay Boosaneerka ku yaallo Xabsiga dhexe ee Xamar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...