Muqdisho (Halqaran.com) – Sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbahinta Kenya, waxaa telefoonka ku wada hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya, kuwaas oo ka sheekeystay diyaaraddii ku bur burtay degmada Bardaale.
Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaana laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u xaqiijiyay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen dhacdadaas iyo sidii loo baari lahaa.
Sida ay qortay warbaahinta Citizen, Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa telefoon u soo diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada, wuxuuna ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay burburka diyaaradda.
Arrintan waxay daba socotaa diyaarad ka diiwaan gashan Kenya oo siday gargaar caafimaad oo shalay ku dhacday magaalada Bardaale ee maamulka Koonfur Galbeed.
War qoraal ah oo warbaahinta kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.
“Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa ku xusan warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyn, Lix ruux ayaa ku dhimatay diyaarada lagu soo riday Garoonka Diyaaradaha Bardaale ee Gobolka Baay, mid ka mid dadkaasi wuxuu u dhashay dalka Kenya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






