Sunday, August 2, 2026
26.1 C
Mogadishu

VIDEO: Xaalado Cusub oo CIVID-19 ah oo laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir, Jubaland, Puntland & Koonfur Galbeed

Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowziya Abiikar Nuur

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gobalka Banaadir, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, laga diiwaan geliayay xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8).

14 qofood ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...