Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

UPDATE: Guddoomiyihii gobolka Mudug oo ku dhintay qaraxii Ismiidaaminta ee Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax Axadda maanta ah ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Wararka ay helayo Halqaran.com, ayaa sheegaya, in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Gaari uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaana la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Gobolka Mudug iyo Saddex Askari oo la socotay xilli ay kasoo baxayeen Xarunta Maamulka Gobolka.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay maqleen jugta qaraxa oo aad u cusleyd, sidoo kale ay maqleen rasaas xoogan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa loo adeegsaday mooto bajaaj.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameynayo dad la sheegay inay ku sugnaayeen halka qaraxa uu ka dhacay oo dhaawac uu soo gaaray.

Laamaha Ammaanka ee Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug ayaa la filayaa inay ka hadlaan nooca qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana hataan dadka loo diidayaa inay ka agdhawaadaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Ugu dambeyn, waxay aheyd 29-kii Bishii Maarso ee sanadkaan 2020-ka markii qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), xilli uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...