Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO +SAWIRRO: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Gaalkacyo iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay 5 qof oo uu ku jiro guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin oo Axadda maanta ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan laamaha Ammaanka.

Allaha u naxariisto, guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, saddex ilaaladiisa ah, iyo darawalkiisa ayaa lagu dilay qaraxan oo la sheegay inuu gaystay ismiidaamiye watay mooto, kaasi oo mootada ku dhuftay gaariga uu guddoomiyuhu la socday.

Saahid Maxamuud Cali oo ah duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in guddoomiyaha iyo ilaaladiisa ay isla goobta qaraxa ku geeriyoodeen.

Sidoo kale, duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, ayaa sheegay in Mooto ay ka buuxeen walxaha qarxa uu ku dhacay gaarigii uu saarnaa guddoomiyaha.

Guddoomiyihii Mudug ee dhanka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii May ee sanadkii hore. Wuxuuna horey u soo noqday guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug.

Si kastaba ha’ahaatee, Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan maanta lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug AUN Axmed Muuse Nuur.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...