Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Update: Guddoomiye Dhabancad oo baaq deg-deg ah u diray Xildhibaannada +VIDEO

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka Teendhada Afisyooni oo lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka.

Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah u soo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto.

“Aniga iyo xildhbaanno kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaanno aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaanno badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad.

Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa hadalkiisa imaanaya, xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaannada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee guddoomiye Dhabancad:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...