Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Beesha Caalamka oo war deg-deg ah ka soo saartay xiisadda ka taagan dhammeystirka doorashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, iyaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo dhammeystiro doorashoooyinka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare ee shalay qabsoontay, waxaana loogu baaqay Madaxda dowladda inay isku tanaasulaan oo khilaafkooda xaliyaan.

Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Qoraalkaan kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya xilli wlei caqabado ay hortaagan yihiin doorashooyinka, taas oo ka dhalatay doorashadii isbarbar socotay ee ka dhacday Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...