Sunday, May 31, 2026
26.4 C
Mogadishu

Update:Gudoomiyaha gobolka Togdheer oo la weeraray iyo rasaas badan oo …

Togdheer (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray gobolka Togdheer ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Guddoomiye Xamse ayaa waxa lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer, halkaasi oo ku marayey socdaal.

Gaariga uu saarna guddoomiyaha ayaa waxa lagu soo warramayaa in rasaas badan lala dhacay, inkasta oo aysan guddoomiyaha ka soo gaadhin dhaawac culus weerarkaasi.

Ma jirto ilaa iyo hadda wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi oo si cad u sheegeysay siday wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay weerarkasi lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer.

Wixii warar ah ku soo kordha kala soco Halqaran.com insha allaah.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...