Sunday, March 15, 2026
29.4 C
Mogadishu

C/weli Gaas oo baaq culus u diray dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka

Garoowe (Halqaran.com) – Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka in ay soo afjaraan khilaafka daba-dheeraaday ee ka dhex aloolsan.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan,

Wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe, in ay dardarliso dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Wuxuu intaasi raaciyay Cabdiweli Gaas, in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Khilaafkaasi uu cuuryaamiyay.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa sheegay, indowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland Khilaaf ka dhex taagan uu noqday soo jireen, maadaama dowladda Soomaaliya aysan diyaar u aheyn tixgalinta Cabashooyinka maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Dr. Cabdiweli Gaas ayaa lagu xasuustaa intii xilka hayay in Khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoona ka mamnuucay in mas’uul ka socda dowladda uu ka soo dago Garoowe.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...