General Galaal: ”Madaxda DF Somaliya ayaa dayacday Ammaanka Cabdiraxmaan Yariisow”!

Muqdisho (Halqaran.com) – General Axmed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxda Dowladda qaabka ay u wajahayaan amniga uu yahay qaab qaldan oo aan waxba soo kordhinaynin.

Generalka ayaa sheegay in dhinacyadda amniga qaabilsan ay talooyin siiyen balse nasiibdaro dhamaantoodaba ay qadan waayeen talooyinkii uu siiyey.

Galaal ayaa tilmaamay in jawaan ciid lagu shubay iyo dhagax meel la dhigay aan amni sugeynin, balse loo baahan yahay istaraatiiji loo dejiyo laamaha ammaanka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, General Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Soomaaliya ayaa sheeegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dayaceen amniga guddoomiyihii hore ee Maamulka gobolka banaadir Cabdiraxmaan yariisow.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com